Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo haatan ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha doorashada soomaliya ka dhacaysa ayaa ka digay in Baarlamaanka cusub ee imaan doono ay soo xulaan rag Musharaxiin ah oo u taagan qabashada hogaanka dalka.
Siyaasiga C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa tilmaamay in hadii loo baahan yahay baarlamaan wanaagsan in baarlamanka lasoo xulaayo laga madaxbanaaneeyo raga u taagan qabashada hogaanka dalka.
Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ku baaqay in baarlamanka cusub uu dalka yeelanayo iyo howlihiisa soo xulista in loo madax banaaneeyo odoyaasha dhaqanka soomaliyeed.
Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa maanta isku raacay qaabka loo wajahaayo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka kadib shir maalmo socday ay ku yeehsteen Magaalada Muqdisho.

