Maamulka Puntland oo Sheegay in ay Qabteen Xubno ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Saraakiisha ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen hub iyo xubno ka tirsanaa al-shabaab  oo ku sugnaa guri ku yaala Gudaha Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji abshir  oo warbaahinta Magaalada Garoowe kula hadlay ayaa sheegay in kadib baaritaan laga sameeyay guri  lagu soo wargaliyay laamaha amniga in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan al-shabaab  ay baaritaankaas kusoo qabteen hub iyo xubno sar sare oo ka tirsanaa al-shabaab.

C/raxmaan Xaaji abshir waxa uu sheegay in guriga laga soo qabtay ragaan ay la wareegtay Puntland isla markaana dhawaan saxaafada lasoo bandhigi doono ragaan iyo waxa ay shaqadooda aheyd.

Maamulka Puntland ayaa maalmihii dambe waday howlgal lagula dagaalamayay al-shabaab kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay xeebaha deegaanada Maamulka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here