C/qaadir Shire Faarax:- Waan ka Warqabnaa Dhaqdhaqaaqyo ay al-shabaab ka Wadaan Xeebaha Gobolka Mudug

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyo ay al-shabaab ka wadaan Xeebaha Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay inay maqlayaan wararka sheegaya in Shabaab ay dhaq dhaqaaq ciidan wadaan, balse arintaasi ka maamul ahaan ay ka feejigan yihiin.

Mudane C/qaadir Shire Faarax Taliye ku xigeenka Booliska Puntland waxa uu sheegay in al-shabaab loogu adkaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay xeebaha deegaanada Maamulka Puntland balse ay mar kale doonayaan in ay soo qaadeen weerar kale.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaano ka tirsan Gobolka Mudug uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay al-shabaab iyo ciidanka Puntland maamulka Puntland ayaa soo bandhigay askar ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Xarakada al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here