Dhinacyada Dalka Yemen oo ku Dhawaaqay in ay Dhaqan Galin Doonaan Xabad joojinta

0

Dowlada yemen iyo kooxda xuutiyiinta dalkaasi ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in labada dhinac ay u hogaasami doonaan xabad joojin caawa dalkaasi ka dhaqan gali doonta.

Xabad joojintaan ayaa waxaa ku dhawaaqay qaramada midoobe iyadoo dhinacyada ay muujinayaan sida ay uga go’antahay in ay dhaqan gasho xabad joojintaan cusub ee ka dhaqan galaysa dalka Yemen.

Horay waxaa u fashilmay hishiisyo xabad joojineed ay  wada saxiixdeen dowlada iyo kooxaha xuutiyiinta dalkaasi.

In ka badan 6,000 oo ruux ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka yemen oo u badan dadka shicibka ah.

18-ka bishaan april ayaa dowlada Kuwait ay sheegtay in dalkeeda lagu qaban doono shirweyne xal loogu raadinayo colaadaha yemen ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here