Wararka haatan naga soo gaaraya xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax gaari loo adeegsaday in uu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Fiisha Governa ee Magaalada Muqdisho.
Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ilaa hada lama ogo qasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay xarunta Fiisha Governa ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa sida aan ka soo xigannay qeybtooda Warfaafinta, waxaana ay sheegeen in qaraxa uu sababay dhimashada tobaneeyo ka tirsan Ciidamada Booliska.

