Dhageyso: Rag ka Tirsanaa Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Maamulka Degmada Qoryooley

0

Maamulka degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegay in  Maamulkooda ay isku soo dhiibeen Rag ka Tirsanaa al-shabaab oo dhawaan soo wareeraray saldhigyada ciidamada Midowga africa ee  Amisom

Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Cabdi axmed Cali oo Goor dhaweyd la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkooda ay isku soo dhibeen Labo shaqsi oo  ka Tirsanaa al-shabaab mid kamidna uu ahaa Ragii dhawaan soo weeraray Buundada degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Hoose

Cabdi axmed Cali  Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Qoryooley  ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiga kale uu ahaa Gudoomiyaha dhanka zakawaadka ee al-shabaab ee degmada Qoryooley u qaabilsanaa iyo gadiid uu watay  oo Noha ahaa

Dhawaan ayay aheyd Markii ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab ay weerar  kusoo qaadeen degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Hoose gaar ahaan saldhigyada ciidamada Midowga Africa ee amisom waxaana dagaalkaas ku dhintay askar ka Tirsanaa ciidamada amisom oo u dhashay wadanka Uganda

Halkaan ka dhageyso

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here