Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan ayaa sheegaya in Maamulka Magaalada Beledweyne iyo ciidanka Midowga Africa ee amisom in ay ku guuleysteen kala qaadida Maleeshiyo beeleedyo maanta ku dagaalamay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Gudoomiyaha magaalada Beledweyne ee dowlada soomaliya Maxamed cusmaan Qalaafow oo Goor dhaweyd la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Galabnimadii Maantay la kala Qaaday Maleeshiyo beeleedyo maanta ku dagaalamay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan
Maxamed cusmaan qalaafow ayaa Tilmaamay in arinta kala qaadista Beelaha dagaalamay in si Wadajir ah ugu guuleysteen maamulka dowlada soomaliya iyo ciidamada Midowga africa ee amisom xaalkana uu Caawa yahay mid aad u dagan
Inta la xaqiijiyay 14-kamid ah Beelihii Maanta ku dagaalamay Magaalada Beledweyne ayay waxyeelo ka soo Gaartay sida uu inoo xaqiijiyay Gudoomiyaha magaalada Beledweyne ee dowlada soomaliya Maxamed Cusmaan Qalaafow
Dhanka kale dagaalka ka dhacay Magaalada Beledweyne waxaa ku dhaawacmay Mid kamid ah Wariyaasha ka Howlgala Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kasoo lagu Magacaabo Cusmaan aadan careys
Marar badan waxaa Gobolka Hiiran ka dhacay Dagaalo beeleedyo u dhaxeeyay dad wada daga Gobolka Hiiraan bartaha Soomaliya

