Garsooraha dhaxdhaxaadin doona Kulanka Manchester Derby oo lagu dhawaaqay

0

Xiriirka dalka Ingiriiska ayaa usoo xushtay garsooraha caanka ah ee Mark Clattenburg in uu dhaxdhaxaadiyo kulanka dhaxmari doona kooxaha Manchester United iyo Manchester City  kulanka loogu Magac daray derby Manchester

40-jirkaan ayaa Horey dhaxdhaxaad kaga Noqday guushii kooxda Manchester United ay ka Gaartay kooxda Manchester City taaso dhacday bishii april  waxayna kusoo dhamaatay 4:2 goolasha Manchester United waxaa dhaliyay xidigaha Young, Fellaini, Mata iyo  Smalling city Labada Gool waxaa u dhaliyay Laacibkooda Sergio Aguero

Manchester United ayaa labo dhibic ka hooseesa kooxda ay isku Magaalada ay yihiin ee Manchester City Hadii  city ay adkaato waxay ka sareyn doontaa 5dhibcood

Dhanka kale Ciyaarihii ay Todobaadkaan ciyaareen waxay Guulo ka kala Gaareen kooxda evertoon iyo Bournemouth

Wajiyo aad ugu Muhiinsan kooxda Manchester City ayaa kulankaan ka Maqnaan doona waxaa kamid ah xidigaha Sergio Aguero iyo David Silva,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here