Magaalada islamabaad ee xarunta dalka pakistaan ayaa waxaa ka furmay wado hadalo u dhaxeeya masuuliyiinta afgaanistaan iyo kooxda taalibaan, iyadoo wada hadalada ay horay uga socdeen dalkaasi pakistaan.
Wada hadalada ayaa socon doona 4 maalmood waxaana daah furay reseal wasaaraha dalka pakistaan ee naward shariif.
Taalibaan iyo dowlada afgaanistaan ayaa muddo 14 sano kuwada dagaalamaayo dalka afgaanistaan waxaana horay u fashilmay wada hadalo ay wada qaateen labada dhinac.

