Maamulka magaalada Beledweyne ee dowlada soomaliya ayaa ka Hadlay dagaalka Goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Beledweynee xarunta gobolka Hiiraan
Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne ee dowlada soomaliya Qalaafow oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sacadaha soo socdo la kala dhaxgali doono Maleeshiyo Beeleedyo ku dagaalamay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Dhanka kale Gudoomiye qalaafow ayaa ka Gaabsaday in uu ka Hadlo wixii sababay dagaalka Goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Beledweyne oo ilaa Haatan socda iyo qasaaraha ka dhashay dagaalka
Sidoo kale wariye Careys oo ka Howlgala Magaalada Beledweyne ayaa ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan
Wixii ku soo kordha dagaalka Magaalada Beledweyne kala soco simbanews.com

