Wakiilka xidiga qadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Ilkay Gundogan ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in xidiga uu heshiis la gaaray kooxda Manchester City ee Horyaalka dalka Ingiriiska.
Warar lagu baahiyay Majalada Goal.com ayaa lagu sheegay in kooxda ka dhisan Magaalada Manchester ee Manchester City ay heshiis la gaartay xidiga heerka caalami ee xulka dalka Germany iyadoona ka af-duubatay kooxaha Juventus iyo Barcelona.
City agaasimheeda Ciyaaraha Txiki Begiristain ayaa kasoo muuqday sawir isagoola kulmaya wiilka xidiga Gundogan iyo adeerkiisa arrimaha uu kala hadlay ayaa lagu sheegay sidii xidiga uu ugu biiri lahaa kooxda uu hogaamin doono Macalin Pep Guardiola xili ciyaareedka cusub.

