Dowlada Koonfur afrika ayaa lagu eedeeyey in ay hub si sharci dara ah uga iibisay Xarakada Al-shabaab ee soomliya ka dagaalanta.
Guddiga caalamiga ah ee ilaalinta hubka ee qaramada midoobe ayaa warbixin ay maanta soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen dowlada koonfur afrika oo hub badani ka iibsatay Xarakada Al-shabaab.
Guddiga ilaalinta hubka ee qaramada midoobe ayaa soo saaray in ay hub badani ay al-shabaab ay heleen sanadihii 2011 iyo 2013-kii kaasi oo uga yimid dalka koonfur afrika.
Warbixintaan waxaa kaloo lagu yiri in ay dowlada kenya ay south africa kasoo iibsatay hub iskugu jira qoryaha fudud iyo gawaari dagaal oo qarash dhan 13.3 million oo dollar, waxaana hubkaasi la sheegay in badan kiis ay Al-shabaab gacanta u galeen intii uu socday weerarkii ceel cade ee dhacay 15-bishii janaayo.
Guddiga qaramada midoobe ee ilaalinta hubkaku ayaa sidoo kale south africa ku eedeeyey in dalalka ay ka jiraan dhibaatooyinka ay galisay hub sharci dara ah sida dalalka ciraaq, Azerbaijan, Kenya, Nigeria , Burund iyo nigeria.

