Macalinka Xulka dalka England ayaa si cad u sheegay in uusan damaanad qaadi karin booska weerarka weeraryahanka kooxda Manchester United Weyne Rooney kadib bandhigii labada xidig ee Harry Kane iyo Jamie Vardy kadib kulankii ay ka guuleysteen xulka dalka Germany.
Macalin Roy Hodgson oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in uusan xiligaan u balan qaadi karin boos joogto ah weeraryahanka kooxda Manchester United weyne Rooney oo dhaawac ku maqan waxaana booskiisa ku dagaalamaya xidigaha Harry Kane iyo Jamie Vardy.
Xidigaha Lichester City iyo Totenham Vardy iyo Kane ayaa kamid ah xidigaha ugu saameynta Horyaalka dalka Ingiriiska iyagoona xili ciyaareedkaan sidoo kale ku dagaalamaya gool dhalinta Horyaalka dalka ingiriiska.
“Rooney uma balan qaadi karo booskiisa joogta ah ee weerarka kadib bandhiga xidigaha Harry Kane iyo Jamie Vardy ayuu yiri Macalin Hodgson.

