Waxaa isbitaal ku yaala dalka India ku geeriyooday Allaha u naxariistee Dr Aadan Xaaji Ibraahin oo soo noqday Wasiirkii caafimaadka dowladihii KMG-ka.
Dr Aadan Xaaji Ibraahin Wasiirkii hore ee caafimaadka dowladihii KMG-ka ayaa dhawaan dalka India loogu qaaday howlo caafimaad kadib markii muddo uu ku xanuunsanayay isbitaalka ku yaala Magaalada Muqdisho.
Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa uga tacsiyadeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida Dr Aadan Xaaji Ibraahin.
Maxamed Cumar Geeddi Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Dr aadan Xaaji Ibraahin ay ka wada tirsanaayeen baarlamaankii kmg-kii Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in Dr-ka uu ahaa shaqsi u adeega bulshada, xilli kastana aan ka daalin u adeegidda bulshadiisa.

