Kulankii u Dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaliya iyo Odoyaasha Gobolka Hiiraan Oo Lagu Kala kacay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in lagu kala kacay kulankii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo odayaasha Gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah odoyaasha Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay diideen qaar kamid ah qodobada uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo ku aadan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe. iyo in odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay dib ugu laabtaan Magaalada Jowhar si ay ugu qeyb galaan shirka.

Dhanka kale banaanbax loogu soo horjeeday shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ayaa goordhaweyd ka dhacay Gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan inta la xaqiijiyay 3-ku dhaawacantay banaanbaxaas.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here