Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Dr Aadan Xaaji Ibraahin oo ku Geeriyooday Dalka India

0

Waxaa isbitaal ku yaala dalka India ku geeriyooday Allaha u naxariistee Dr Aadan Xaaji Ibraahin oo soo noqday Wasiirkii  caafimaadka dowladihii KMG-ka.

Dr Aadan Xaaji Ibraahin Wasiirkii hore ee caafimaadka dowladihii KMG-ka ayaa dhawaan dalka India loogu qaaday howlo caafimaad  kadib markii muddo uu ku xanuunsanayay isbitaalka ku yaala Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa uga tacsiyadeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida Dr Aadan Xaaji Ibraahin.

Maxamed Cumar Geeddi   Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya  waxa uu sheegay in Dr aadan Xaaji Ibraahin ay ka wada tirsanaayeen baarlamaankii kmg-kii  Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in Dr-ka uu ahaa shaqsi u adeega bulshada, xilli kastana aan ka daalin u adeegidda bulshadiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here