Wararka naga soo gaaraya Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka ayaa ku waramaya in qaraxyo labo ahaa in ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha dalka Belgium-ka ee Zaventem airport.
Warar laga helayo laamaha caafimaadka dalka Belgium-ka ayaa xaqiijinaya in qaraxyada ay ku dhinteen 10-qof halka 30-kale ay ku dhawacmeen.
Qaraxyadani waxay imanayaan afar maalmood kadib markii magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka lagu qabtay Salax Cabdisalam oo ahaa ninkii ugu muhiimsanaa ee loo raadinayay qaraxyadii Magaalada Paris ka dhacay bishii November.
Ma cada waxa sababay qaraxyada ka dhacay garoonka diyaaradaha dalka Belgium-ka ee Zaventem airport.







