Dowlada Kenya ayaa lacago dul dhigtay sarkaal ka tirsan al-shabaab oo lagu tuhmaayo weerar qasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya.
Mohamed Dubow oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Kenya ayay laamaha amaanka dalkaas ku eedeeyeen weerar qasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday gaari bus ahaa oo ay la socdeen dad kenyaan ahaa oo xiligaas marayay Magaalada Mandheera ee Gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.
Mas’uuliyiin u hadashay Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in Mohamed Dubow oo dib ugu soo laabtay Gudaha dalka Kenya kadib markii uu kasoo dagaalamay meelo kamid ah Soomaliya.
Laamaha amaanka dalka Kenya waxa ay sidoo kale sheegeen cidii hesha macluumad kuu saabsan Mohamed Dubow in ay kusoo hagaajin karaan Taleefanafana kala ah 020 2199151, 0702 432877/999 ama 112.
Bishii February 28-keeda dowlada Kenya ayaa Sh8 million oo lacagta dalka Kenya ah dul dhigtay 4-dhalinyaro oo lala xiriirinaayo in ay ka dambeyeen weerar qasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday gaari bus o mararyay Magaalada Mandheera.
Raga lacagaha la dhul dhigay waxaa kamid ah Abdullahi Issak, Idriss Issack, Ahmed Uweys iyo Mohamed Shide oo dhamaan lagu tuhmaayo kamid ahaanshaha al-shabaab.

