Puntland oo Guulo  ka Sheegatay Dagaal ka Dhacay Deegaanka Suuj ee Gobolka Nugaal

0

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay sawiro  muujinaya goobihii lagala wareegay ciidamada xarakada al-shabaab ee xeebaha deeganada Maamulka Puntland

Maamulka Puntland waxa uu sheegay in xarakada al-shabaab ay ka dileen ku dhawaad 60-askari oo kamid ah ahaa ciidamadii weerarka kasoo qaaday deeganada Maamulka Puntland .

Janaraal Muxiyadiin oo kamid ah saraakiisha Hogaaminaysa dagaalka ciidamada Maamulka Puntland ayaa  sheegay in askar kale oo ka tirsan al-shabaab  ay ku harsan yihiin gododka xeebaha deeganada maamulka Puntland balse ay ugu baaqayaan in ay isa soo dhiibaan,

Wuxuu  Janaraal Muxiyadiin  waxa uu Tilmaamay  in ciidamada Maamulka Puntland aysan saacad ku qaadanayn in halka God ay kusoo koobmeen al-shabaab  ay ka takhalusaan,hasa yeeshe ay doonayaan in dhankooda uusan khasaaro soo gaarin.

Dhanka kale waxaa saakay xabado goos-goos ah laga maqlayaa goobihiin ay isku hor fadhiyeen ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Xarakada al-shabaab oo dhawaan gaaray xeebaha deeganada Maamulka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here