Diyaarad ku Burburtay Magaalada Rostov-on-Don, ee dalka Russia.

0

Ugu yaraan 62-qof ayaa dhimatay kadib markii diyaarad ku wajahneed Magaalada Abu Dubai ay ku burburtay Magaalada Rostov-on-Don, ee dalka Russia.

Baarayaal ka Tirsan dowlada Russia oo ku masquulsan arintaan ayaa sheegay in diyaarada ay siday 62-qof isla markaana ay ku burburtay Magaalada Rostov-on-Don subaxnimadii hore ee saakay.

“Diyaarada waxa ay u burburtay cad-cad waxaana sarnaa 62-qof dhamaana wey dhinteen  ayaa lagu sheegay war kasoo baxay dowlada Russia.

Diyaarada ayaa la sheegay in ay ku wajahneed Magaalada  Abu Dhabia ee dalka Isutaga imaaraadka Carabta.

War kasoo baxay dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in 44ruux oo kamid ahaa rakaabka diyaaradii burburtay ay ahaayeen Russia, 8 ay ahaayeen Ukrain, 2-hindiya ah iyo hal muwaadin oo ah Uzbekistan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here