Waxaa maanta Magaalada Barlin ee dalka Germany ka dhacay Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Gaari maanta ku qarxay Magaalada Barlin ayaa la sheegay in uu ka yimaaday dhanka Waqooyiga Berlin, kuna sii wajahnaa Bartamaha Magaalada, waxaana la shaaciyay in kaliyah uu ku dhintay ninkii waday gaariga.
Hay’adaha amniga dalka germany oo goobta tagey waxa ay sameeyeen baaritaano xoogan oo la xiriira qaraxa gaari loo adeegsaday ee ka dhacay Magaalada Barlin waxaana jirin cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.
Dhanka kale Tan iyo markii Magaalada Paris ee dalka France ay ka dhaceen qaraxyo xoogan waxaa cabsi ay soo foodsaartay dalalka kale ee reer Yurub oo ka cabsi qaba weeraro kuwaasi lamid ah.









