Qarax Gaari Loo Adeegsaday oo ka Dhacay Magaalada Barlin ee dalka Germany+Sawiro

0

Waxaa maanta Magaalada Barlin ee dalka Germany ka dhacay Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaari maanta ku qarxay Magaalada Barlin ayaa la sheegay in uu ka yimaaday dhanka Waqooyiga Berlin, kuna sii wajahnaa Bartamaha Magaalada, waxaana la shaaciyay in kaliyah uu ku dhintay ninkii waday gaariga.

Hay’adaha amniga dalka germany oo goobta tagey waxa ay sameeyeen baaritaano xoogan oo la xiriira qaraxa gaari loo adeegsaday ee ka dhacay Magaalada Barlin waxaana jirin cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Dhanka kale Tan iyo markii  Magaalada Paris ee dalka France ay ka dhaceen qaraxyo xoogan waxaa cabsi ay soo foodsaartay dalalka kale ee reer Yurub oo ka cabsi qaba weeraro kuwaasi lamid ah.

1458049643d0e24 1458049649b748a 14580496464cebc 14580496632ed3f 145804966991f6f 1458049657370f5 14580496370956b 14580496533762a 145804967611152

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here