Wararka ka imaanaya Degmada Bandar-Bayla ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo ka Tirsan kuwa xarakada al-shabaab in ay gaareen degmadaas.
Guddoomiyaha Degmada Bandar-Bayla ee gobolka Bari Siciid Aadan Cali ayaa VOA-da u sheegay in ciidamo ka Tirsan al-shabaab in ay soo gaareen degmada Bandar-bayla ee Gobolka Bari.
Siciid Aadan Cali Guddoomiyaha Degmada Bandar-Bayla waxa uu sheegay in heegan buuxa la galiyay ciidamada Maamulka Puntland ee ku sugan Degmada Bandar-Bayla ee gobolka Bari si ay isaga difaacaan weerarka la sheegay in ay al-shabaab kusoo qaadeen qeybo kamid ah deeganada maamulka Puntland.
Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa la wareegay deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo kamid ah deeganada Hoos yimaada Mamaulka Puntland.

