Wali waxaa laga dareemayaa Xeradii lagu laayay ciidamada Kenya ee Degmada Ceelcadde Gobolka Gedo saameynta uu reebay weerarkii abaabulnaa ay al-shabaab ku qaadeen saldhigaas.
Sawiro Shabaabka ay ka soo qaadeen Saldhigii ciidanka Kenya ee Ceelcadde, ayaa muujinaayay gaadiidka gaashaman ee ciidamada Kenya ay leeyihiin oo lagu gubay dagaalkii ka dhacay saldhiga Ceelcadde 15-junuary.
Xarakada al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada weerarkii saldhiga deegaanka Ceel-cadde ayaa sheegtay in ay ku dishay in ka badan 100-askari oo ka tirsanaa ciidamada kenya ee qeybta ka ah Howlgalka amisom ee Soomaliya.
Dowlada Kenya wali ma aysan shaacin Tirada kaga dhimatay weerarkii 15-junuary lagu qaaday deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo ay saldhig malatari ay ku lahaayeen ciidamo ka tirsan Kenya oo qeyb ka ah Howlgalka amisom ee soomaliya.













