Maamulka Ahlusuna oo Sheegay in jirdil loo Geystay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, oo loo Yaqaano Cabdi Waal

0

Maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolka dhexe ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay jirdil u geysatay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, oo loo yaqaano Cabdi Waal oo dhawaan gacanta loo  galiyay dowlada soomaliya.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka war qabaan jirdil xoogan oo loo geysanayo siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, oo loo yaqaano Cabdi Waal. Balse taasi sumcad daro ay ku tahay dowlada soomaliya.

“Jirdilka siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad wuxuu cadeynayaa sumcad darrada haysata Dowladda soomaliya. Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow waxa uu tilmaamay in maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe oo markii horeba ka xumaa soo qabashada siyaasiga C/nuure siyaasad cabdi Waal haatana ay ka xun yihiin jirdil la sheegay in loo geysto siyaasiga.

Dowlada soomaliya oo dhawaan gacanta loo soo galiyay Cabdi Nuure Siyaad, oo loo yaqaano Cabdi Waal ayaan wali ka hadlin soo qaba shadiisa iyo jirdilka ay sheegayaan maamulka ahlusuna in loo geystay siyaasiga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here