Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax bambaano oo xalay ka dhacay degmada qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dad ku sugan degmada qoryooley oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa midka gacanta laga tuuro isla markaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ku sugnaa suuqa degmada qorxooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Inta la xaqiijiyay 3-askari iyo 3-qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa suuqa degmada Qoryooley ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa waxaa goobta markiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo goobta ka sameeyay howlgalo baaritaano ah.
Dhanka kale Howlgal ay xalay ciidamada dowlada soomaliya ay ka sameeyeen degmada qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu soo qab-qabtay dad aad u fara badan kuwaasi oo lala xiriirinaayo qarax ka dhacay suuqa degmada Qoryooley.

