Qasaaraha ka Dhashay Weerarkii Dalka ivory Cost ayaa Sii Kordhay.

0

Goob loo dalxiis tago oo ku taalo dhanka bari ee dalka ivory coast ee qaarada africa ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday dabley hubeysan oo afka u duubnaa.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 16 ruux waxaana dadkaasi 4 ka mid ah ay yihiin dalxiisayaal reer yurub ah oo xiligaas goobta dalxiiska ku sugnaa.

Waxaa kaloo geeriyooday 14 dadka shicibka ah iyo 2 askari oo ciidanka dowlada ah.

Goobta la weeraray ayaa lagu magacaabaa Grand Bassam waana magaalo xeebeed ay qaramada midoobe ku dartay liiska goobaha taariiqiga ah ee dunida uga diiwaan gashan.

Masuuliyda weerarkaan waxaa sheegtay ururka Al-qaacida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here