Madaxweynaha Turkiga oo Sheegay in aysan joojin doonin dagaalka ay Kula Jiraan Argagaxisada

0
Turkey's Prime Minister and presidential candidate Tayyip Erdogan makes a speech during a meeting to launch his election campaign in Istanbul July 11, 2014. REUTERS/Murad Sezer (TURKEY - Tags: POLITICS ELECTIONS) - RTR3Y72V

Madaxweynaha dalka Turky-ga erdugan oo hadlay  ka dib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhcay magaalada Ankara ee xarunta dalka turkiga ayaa sheegay in qaraxaasi uu san cabsi galin doonin dowlada turkiga ayna sii wadi doonto  dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada.

Shalay ayaa qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday lagu qarxiyey goob laga raaco basaka oo ku taalo Ankara ee dalka Turky-ga

Dad ka badan 34 ruux ayaa qaraxaasi ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen 125 kale oo u badnaa dad shacab ahaa oo xiligaas ku sugnaa goobta basasbka laga raaco.

Waxaa kaloo uu burbur soo gaaray dhowr xabo oo  gaawaarida  basaska ahaa

Waa qaraxii ugu qasaaraha badnaa ee dalka turkiga ka dhaca tan iyo bishii October ee sanadkii 2015 kii.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxani ismiidaaminta ah balse daacish ayaa horay dalka uga fulisay qaraxyo nuucaan oo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here