Booliska Kenya oo Maanta Xerada Dhadhaab ka Soo Qabtay Hub Badan iyo Rag Lagu Tuhmay Alshabaab.

0

Ciidamada booliska Kenya ayaa maanta baaritaano ay ka sameeyeen xerada dhadhaab waxaa ay ku soo qabteen hub tira badan iyo hogaamiye la sheegay in uu xubin sare ka yahay Alshabaab.

Xiriiriyaha gobolka waqooyi bari maxamuud saalax oo xafiiskiisa saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in hubka ay soo qabteen ay iskugu jiraan qoryaha AK-47 , 19 ah rasaasta wareega iyo hoobiyayaasha garbaha laga tuuro.

Maxamuud saalax waxaa kaloo uu sheegay in ciidanka booliska ay sidoo kale soo qabteen hogaamiye la sheegay in uu Alshabaab uga howl gali jiray deegaanada Kenya xili uu weerarada uu ka abaabulayey xerada dhadhaab .

Hogaamiyahaan oo aan magaciisa lasoo ban dhigin ayaa la sheegay oo kaliya in uu heesto dhalashada Kenya.

Dadka kale dad kale oo lala soo qabtay ayaa sidoo kale ay siidaayeen booliska Kenya ka dib dambi lagu waayey.

Xerada dhadhaab ayaa waxaa ay hooy u tahay soomaali badan oo muddo ka badan 25 sano dagan , iyadoo dowlada kenyana ay sheegtay in ay dib ugu soo celin doonto gudaha dalka soomaaliya maadaama ay dowladu ku eedeeysay dadkaasi in ay qeyb ka yihiin amaan darada ka jirta Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here