Iyadoo uu gabi ahaanba uu ka guray biyaha wabiga mara degmada afgooye iyo deegaanda hoosyimaada ayaa waxaa wararka aynu ka helayno deegaan lagu magacaabo mareerey oo qiyaastii 7km dhanka galbeed kaga beegan degmada afgooye ayaa waxaa la sheegayaa in halkaasi ay kajirto biyo la’aan baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada kudhaqan deegaankaasi
Maxamed xaaji Cismaan oo kamid ah dadka deegaankaasi oo lahadlay idaacada simba xafiis wareedkeeda shabeelaha hoose ayaa sheegay in meel ka fog deegaankaasi ay biyaha u doontaan islamarkaana ceelashii kuyaalay deegaankaasi ay yihiin ku aan kaafin karin dadka deegaankaasi taasi oo ugu wacan tahay wabiga mara degmada afgooye oo guray.
sikastaba ha ahaatee sanadkiiba mar ayaa wabiga shabeele ee mara bartamaha degmada afgooye uu gura iyadoona saameyn uu ku yeeshto dadka danyarta ah ee kunool deegaanada iyo degmooyinka hoosyimaaada afgooye

