Xildhibaanada baarlamanka maamulka Galmudug ayaa maanta kulan su’aalo lagu weydiinaayay qaar kamid ah wasiirarada maamulka Galmudug waxa ay ku yeeshteen Magaalada Cadaado ee caasimada Kmg-ga maamulka Galmudug.
Wasiirada maanta su’aalaha la weydiiyay waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) kaasi oo ka warbixiyay xaaladaha amaanka deeganada hoos yimaada Galmudug.
Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) waxa uu dhanka kale ka hadlay muranka wali ka taagan caasimada maamulka Galmudug oo ah Magaalada dhuuso Mareeb balse ay haatan gacanta ku hayaan maamulka ahlusuna waljameeca.
Wasiirka amniga Gudaha Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) waxa uu tilmaamay in aysan cidna ka hor istaagi doonin tagida Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo ah caasimada Maamulka galmudug.

