Raisulwasaaraha Soomaliya oo Maanta ku Wajahan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke  iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaban qaabada  lagu soo dhaweynayo wafdiga Raisul wasaaraha Soomaaliya cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa haatan laga dareemayaa gudaha  magaalada Beladweyne, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ay iminka ku suganyihiin mas’uuliyiinta maamulka Gobolka hiiraan saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Amisom.

Amaanka Magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay waxaa Gudaha Magaalada Beledweyen iyo garoonka Ugaas khaliif ku sugan saraakiil ka tirsan ciiamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.

Wali lama shaacin ujeedka safarka Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke uu ku Tagayo Magaalada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here