Dhageyso:- Nin Miino ku aasayay Degmada Baraawe oo la Dilay

0

Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya  ayaa sheegay in ay saakay aroortii  ciidamada amaanka dowlada sooamaliya ay dileen nin ka tirsanaa ciidamada al-shabaab .

Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Max’ed Jeex, oo goordhaweyd la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka soomaliyeed iyo kuwa maamulka degmada Baraawe oo iskaashanaya ay ka hortgeen falka uu doonayay ninkaan ka tirsanaa al-shabaab.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in abaarihii 04:00 oo habeenimo lagu soo wargaliyay maamulka degmada Baraawe in ninkaan uu waxyaabaha qaraxa ku aasayay qeybo kamid ah degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose ayna halkas ku baxeen ciidamo aka tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa maamulka.

Xuseen Barre Max’ed Jeex  Gudoomiyaha degmada Baraawe waxa uu tilmaamay in ciidamada ay ku wargaliyeen ninka ka tirsanaa al-shabaab in uu is dhiibo balse uu ka dhaga adeegay arintaas  ayna ciidamada ku dhufteen dhowr xabadood oo markii dambe u dhintay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here