Faah-Faahin:- Qaraxyo Xoogan oo ka Dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in Gudaha Magaalaas ay ka dhaceen dhowr Qarax oo isxigxigay.

Qaraxyada is-xigxigaya ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa dhulka lagu aaso ee miinooyinka waxaana lala  eegtay gadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan Ethopia ee ku sugan Gobolka Gedo sida wararka ay sheegayaan.

Dad ku sugan Magalaada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen ilaa 5-qarax waxaana intooda badan laga maqlay Gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya.

Lama Ogo qasaaraha soo gaaray ciidamada ka Tirsan kuwa Ethopia ee qaraxyada lala eegtay

Dhanka kale Isgaarsiinta Magaalada Baardheere ayaa hawada laga saaray, waxaana Magaalada haatan ka socdo howlgalo ay wadaan ciidamada Ethopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here