Wenger:- Arsenal Waa in ay Guul ka Gaartaa kooxda Totenham

0

Macalinka Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisa diyaar u tahay in ay guul ka gaarto kooxda Totenhan kulanka galabta ka dhacaya garoonka White Hart Lane ee woqooyiga Magaalada London.

Kooxda Arsenal ayaa lix dhibic ka hooseesaysa kooxda Hogaaminaysa horyaalka dalka ingiriiska ee Leicester City ka hor kulanka ay galabta ay la ciyaari doonto kooxda kaalinta Labaad ee Totenham.

Balse macalinka reer France ayaa Tilmaamay in ay wax walba sameyn doonaan si ay kaga adkaadaan kooxda isku Magaalada ay yihiin ee Totenhan  oo sanadkaan dhankeeda dooneysa ku guuleysiga horyaalka dalka Ingiriiska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here