Sawiro:- Maamulka Ahlusuna oo Soo Bandhigay Gaadiid ay ku Qabsadeen Dagaalkii ka Dhacay Dhuuso Mareeb

0

Maamulka ahlusuna waljameeca ayaa soo bandhigay gaadiid ay sheegeen in ay ka qabsadeen ciidamadii uu hogaaminaayay Liibaan Madaxweyne oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ee bariga Gobolka Galgaduud.

Goobta lagu soo bandhigay gadiidka dagaal ee la sheegay in laga qabsaday ciidamada dagaalka kusoo qaaday Dhuuso Mareeb waxaa ku sugnaa Mas;uuliyiin ka tirsan maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolada dhexe

Dhanka kale Madaxweyna Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe shiikh axmed shaakir Cali xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu la dagaalami doono cidii weerar kusoo qaada Magaalada Dhuuso mareeb ee Gobolka Galgaduud.

gaari2 Gaari3 gaari4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here