Maamulka Galmudug oo Lagu Wareejiyay Hub iyo Ciidan +sawiro

0

Beelaha indho Yar Cabdale  iyo  Sinoole ayaa maanta Hubkooda iyo askar gaareysa 250 askari waxa ay  ku wareejiyeen maamulka Galmudug .

Munasabada Ciidamadani loogu wareejinayay maamulka Galmudug waxaa ka soo qeyb Galay kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi xaashi  xubna ka tirsan Golaha Wasiirada ,Maamulka Gobolka mudug iyo qaar ka mid ah beelaha maanta hubka wareejiyay .

Ugu horeyntii kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi xaashi   oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu soo dhaweynayo sida loogu wareejinaayo ciidamada wuxuuna balan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan dhisida ciidamada Galmudug.

Maalmihii dambe beelaha dega Gobolka Mudug ayaa hubkooda ku wareejinaayay Maamulka galmudug.

 

13 3 4 11 10 9 8 7 6

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here