Dhageyso:-Faah-Faahin ku Saabsan Dagaalka ka Socda Gobolka Mudug

0

Wararkii ugu dambeeyay ee xiligaan aynu ka helayno deegaanka Ceel-cabdi dheere oo ah deegaan u dhaxeeya Camaara iyo Ceel-Huur Ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa al-shabaab in ay wali ku dagaalamayaan.

Sarkaal ka Tirsan ciidamada maamulka Galmudug oo goordhaweyd la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka ay iyaga ku qaadeen deegaanka oo maalmihii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab.

Cumar Macalin Cali oo kamid ah saraakiisha ciidamada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada galmudug ay dagaalka ku qaadeen deegaanka kadib markii dadka deegaanka ceel-cabdi dheere ee Gobolka Mudug ay kusoo wargaliyeen in ay dhibaatooyin kala kulmaan maamulka al-shabaab.

Ma uusan shaacin qasaaraha soo gaaray ciidamo maamulka Galmudug balse waxa uu tilmaamay in ay dib kasoo sheegi doonaan qasaaraha soo gaaray ciidamada madaama uu dagaalka wali uu yahay mid socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here