Al-shabaab oo La Wareegay Xerada Melleteriga Laanta-Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada al-shabaab ay la wareegeen xerada Laanta-Buuro oo aheyd xiligii dowladii dhexe  ee soomaliya xabsigii ciidamada asluubta  Soomaliyeed oo maalmihii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaliya.

Ciidamadii Dowlada soomaliya ee ku sugnaa xerada melleteriga Laanta-Buuro ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa la sheegay in ay usoo ruqaansadeen dhanka degmada afgooye ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada al-shabaab ayaa haatan la sheegay in ay ku sugan yihiin xerada  melleteriga Laanta-Buuro ee Gobolka Shabelaha Hoose waxayna la wareegeen xerada iyadoo aysan ka dhicin wax dagaal ah.

Dhanka kale Mas’uuuliyin ka Tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arinta la wareegitaanka al-shabaab xerada melleteriga Laanta-Buuro.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here