Guddoomiyaha maamulka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo Shire Cabdullaahi Keynaan oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa ku shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah cafis ugu fidineyso ciidamo ka tirsan Jubbaland ee ku sugan banaanka degmada Baladxaawo.
Guddoomiye Shire ayaa sheegay in fursada cafiska ee dowladda u fidisay dhamaan askarta ciidanka Jubbaland ee ku sugan daafaha magaalada Baladxaawo ee la dagaalamayay mudooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Fedaraalka.
Shire Cabsullaahi Keynaan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya in ay dhowrto deris wanaagga kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka geysato sidii hubkii looga qaadi lahaa ciidanka Jubaland ee gudaja u galay xadka beenaadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya.

