Intii lagu jiray dood furan oo ku saabsan amniga badda oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) qabtay, ayaa Dowladda Soomaaliya waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS) oo ah aasaaska isticmaalka badaha dunida si nabad iyo iskaashi ah.
Wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay in u hoggaansanaanta sharciyada badda ee caalamiga ah ay lagama maarmaan u yihiin dhisidda kalsoonida dalalka iyo u suurta-gelinta tallaabo mideysan oo wax ku ool ah oo lagula tacaalayo caqabadaha badda, sida burcad-badeednimada, kalluumaysiga sharci darrada ah, ka ganacsiga sharci darrada ah iyo khataraha deegaanka.
“Xushmaynta sharciyadan, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida dowladnimada, waa tallaabo muhiim ah si loo dhiso kalsooni loona xaqiijiyo guusha dadaallada wadajirka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliya.
Dooddan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay dalal xubno ka ah Golaha Ammaanka, mas’uuliyiin Qaramada Midoobay iyo khubaro badeed, iyadoo Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo caalamka ee lagu xaqiijinayo badbaadada iyo amniga badda.

