Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dirayso oo isku laynayso ciidan Soomaaliyeed oo aan wax colaad ah ka dhaxayn. Wuxuu sheegay in waxa ka socda gobolka Gedo ay yihiin “dhibaato aan indhaha laga qarsan karin.”
Hadalkan ayuu sheegay saakay, kaddib dagaal culus oo ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eeddeeyay Dowladda Federaalka inay isku dayayso inay xoog ku qabsato gobol ka tirsan Jubbaland, isagoo sheegay in ciidankii nabad-sugidda ee loogu talagalay la dagaalanka cadawga loo adeegsaday duulaana iyo weerarka lagu hayo dadka Baladxaawo.
“Waxaan rabnaa inaan adduunka tusno xaqdarrada ka socota Gedo, ciddii ku kacdayna lala xisaabtamo. Annaga waxaa naga go’an in xabbadda la joojiyo oo colaadda la damiyo, balse Dowladda Federaalka iyadaa halkaan ciidan kusoo gurtay oo rabta inay xoog ku xukunto,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

