Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal aroornimadii hore ee saakay ka dhacay duuleedka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaasoo dhexmaray ciidanka dowlada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka saakay ay ka dhacay tuulada Aamin iney ka dambeeyeen ciidan ka amar qaata madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Dagaalka maanta ka dhacay duuleedka degmada Baladxaawo, gaar ahaan tuulada Aamin ayay Wasaaraddu xaqiijisay in dhinaca dowlada uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kasoo gaaray ciidanka dowladda.
“Intii uu socday iska caabinta weerarka, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku geeriyooday — Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni — halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo xarumo caafimaad, xaaladda deegaanku waa mid deggan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu hawlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo badbaadinta shacabka ku nool gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya
