Dowladda Soomaaliya oo soo iibsatay diyaarado casri ah oo ku howlgali doona magaca Somali Airlines

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney soo iibsatay laba diyaaradood oo nooceedu yahay Airbus A320, kuwaas oo ku howlgali doona magaca Shirkadda Somali Airlines.

Diyaaradahan ayaa 33 sano kadib si rasmi ah u howlgali doona mudo laba bilood gudahood ah, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, waxaana heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan maanta lagu saxiixay Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

“Waxaan maanta heshiis kala iibsi ah la bilownay shirkad la yiraahdo Lima Air Group, waxaan ka iibinay laba diyaaradood oo ah Airbus A320. Shirkadahaas waxay howl-gelin doona muddo laba bilood ah, heshiiskaasi maanta ayuu kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux.

Wasiir Nuux ayaa tilmaamay in heshiiskaan maanta la saxiixay uu soo socday mudo dheer, islamarkaana uu bilow u yahay qorshe ay dowladda Soomaaliya ku soo iibsaneyso diyaarado rakaab oo casri ah si loo horumariyo Shirkadda Somali Airlines.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here