Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hoostaga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan labo xubnood oo ka tirsan Al shabaab kuwaas oo si dhuumaaleysi ah ku galay magaalada.
War rasmi ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in mid kamid ah ragga la qabtay uu ahaa horjooge sare oo u qaabilsanaa Al shabaab uruurinta lacagaha baadda ah ee laga qaado ganacsatada iyo shacabka, Xubinta labaad ayaa kasoo jeeday waaxda “amniyaadka” ee kooxda, isagoo ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada dowladda iyo qorsheynta dilalka qarsoon ee kooxda Al shabaab fuliso.


