Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyay laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in maamulkiisa uu feejignaan dheeri uu kaga jiro weeraro kaga yimaada xarakada al-shabaab.
Dr C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu sheegay in ay ka warqabaan isku biirista al-shabaab iyo kooxda daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo ciraaq oo dhawaan shaacisay In ay heshiis la gaartay al-shabaab-ka ka dagaalama buuraha galgala ee deeganada Maamuka Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu tilmaamay in al-shabaab iyo daacish oo dhawaan isku biiray ay isku mid yihiin ayna la dagaalami doonaan inta laga saarayo deegaanada Maamulka Puntland.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa imaanaya xili garabkii al-shabaab ee ku sugnaa deegaanada maamulka Puntland ay ku dhawaaqay in uu ku biiray kooxda daacish ee dagaalka kula jirta wadamo badan.

