Xarakada al-shabaab ayaa mar kale hanjabaad u dirtay dowlada Kenya kadib weerarkii qasaaro badan dhaliyay ee lagu qaaday deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya oo saldhig ay ku laahaayeen ciidanka kenya
Sheekh Axmed Iimaan Cali oo ah Sarkaal Shabaab ah ayaa kasoo muuqday Video Shabaab ay soo saareen oo lagu soo bandhigay Askar xiran Direeskii ciidanka Kenya iyo hubkii looga qabsaday weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.
Waxa uu sheegay Sheekh Axmed Iimaan Cali oo kamid ah saraakiisha al-shbaab in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Koonfurta dalka soomaliya.
“Imisa midib ayuu leeyahay calanka Kenya? Waa afar midib. Midabka madow muxuu ka tarjumayaa marka loo fiiriyo sida aaminsan yihiin? Wuxuu ka tarjumayaa maqaarkooda madow. Midabka cad isna waxay sheegaan in uu ka tarjumayo Nabad. Laakiin waxaa la yaab ah in midabka cadaanka ah ay dhigeen meelyar oo ciriiri ah sidii iyaga oo ogaa in aan Kenya imaan doono oo aan xasiloonidooda kala dhantaali doono. Ayuu yiri Sheekh Axmed Iimaan Cali.
Hadaba Kenyaatiga oo dhan waxaan u sheegeynaa: Anaga hadda waan joognaa gudaha Kenya, Insha’Allaah calankiina oo dhana waxaan ka dhigi doonaa guduud oo dhiig ayaan ka wada dhigi doonaa. Calankooda ayey badali doonaa oo ay ka saari doonaa dhamaan midibada kale ilaa midka guduudan mooyee, kaas oo calaamad u noqon doona dhiiga aan ku daadin doono gudaha Kenya Insha’Allaah” ayuu ku hanjabay Sheekha.
Tan iyo weerarkii deegaanka Ceel-cadde al-shaabaab ayaa waday Hanjabaad uu u jeedinaayo dowlada Kenya oo ku aadan in ay ciidankeeda kala baxdo Gudaha soomaliya.

