Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Gaaray Magaalada Bujunbura ee caasimada dalka Burundi.
Wafdiga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon waxaa Garoonka diyaaradah Magaalada Bujumbura ee dalka Burundi kusoo dhaweeyay madaxda dalkaaas sida madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon ayaa la filiyaa in uu maanta caasimada dalka Burundi uu kula kulmo madaxweyne Pierre Nkurunziza. oo dhawaan kasoo horjeystay in dalkiisa la geeyo ciidamo ka socda Qaramada Midoobe .
Ban Ki Moon ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Burundi kala hadli doona sidii xal loogu gaari lahaa colaada ka jirta dalkaas kadib markii kooxaha mucaaradka dalka burundi ay isku dayeen in ay meesha ka saaraan Dowlada Burundi.
Tan iyo markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu Go’aan ku gaaray bishii April ee sannadkii hore inuu mar seddexaad xafiiska u soo istaago waxaa dalka Burundi ka dhacay rabshado Boqolaal qof ayaku dhinteen, in ka badan rubuc milyan qofna ay ka barakaceen.

