Guddiga Gaadiidleyda Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa cabasho ka muujiyay isbaarooyin sharcidaro ah oo yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhexe.
Wararka naga soo gaara degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in ka badan 150-gaadiid oo ku dadweynaha ay ku xaniban yihiin Gudaha degmada Balcad kadib markii ay cabasho ka muujiyeen lacago xad dhaaf ah oo loogu qaado inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Sidoo kale qaar kamid ah gaadiidkii Magaalada Muqdisho ee aadi jirtay degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa maanta shaqo joojin sameeyay kadib markii ay cabasho ka muujiyeen lacago xad dhaaf ah oo loogu qaado inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in 8 Isbaaro ay taallo, degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe taas oo lagu qaado Lacago kala duwan oo aan Nidaamsaneyn, islamarkaana Qofka Lacagta qaadaya iyo kan birta qaadayaba ay Lacago qaadanayaan.
Guddiga Gaadiidleyda Gobolka Shabeellaha dhexe waxa ay dowlada soomaliya iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ka codsadeen in arintaan ay wax ka qabtaan.

