Siyaasiga Axmed C/salaam Xaaji aadan oo loo Diiday Galida Magaalada Dhuuso Mareeb

0

Ciidamada ahlusuna Waljamceeca ee Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaaa is hor istaag ku sameeyay wafdi   balaaran uu Hogaaminayay siyaasiga Axmed C/salaam xaaji aadan oo doonayay in ay Gudaha u galaan Magaalada.

Dhanka kale Saraakiisha ahlusuna  waljameeca ee Magaalada dhuuso Mareeb ayaa ku wargaliyay siyaasiga Axmed C/salaam xaaji aadan in aysan heysanin amar ku aadan in  uu galo Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo xiligaan ay ka arimiyaan Maamulka ahlusuna waljameeca.

Lama Ogo waxyaabaha keenay in siyaasiga Axmed C/salaam xaaji aadan loo diidi galida Gudaha Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud Iyadoo sidoo kale aysan wax war ah oo kasoo baxay maamulka ahlusuna ee Magaalada dhuuso Mareeb.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here